Al-shabaab iyo Daacish oo ku wada dagaalamay gobolka Bari

Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada Shimbiro iyo Miiraalle oo 25km dhanka bari uga beegan magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dagaalka ayaa dhacay maalinimadii shalay ,kaas oo sababay dhaawaca toban ka mid ah dhinacyada ee daacish iyo Al-shabaab ,waxaana dagaalkan ku geriyooday shan qof oo kale .

Dagaal isna dhacay isla maalintaasi ka hor ayaa waxa uu sababay dhimashada 8 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana jira khasaare dhaawac ah oo intaasi ka badan .

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu yimid kadib markii xeebaha deegaankaasi uu soo gaaray dooni hub u waday kooxda Daacish, iyadoona xiligaasi weerar ay soo qaadeen Al-shabaab, waxaana saldhiggii ciidamada ee Daacish la wareegay Al-shabaab.

Deegaamada dagaalka uu ku dhexmaray Al-shabaab iyo Daacsish ayaa ka mid ahaa goobihii caanka ku ahaa tahriibka ee sida dhuumaalaysiga uga bixi jiray gobolka Bari, waxaana jirin wax war ah oo dowladda Puntland ay kasoo saartay.

<