(VODEO) Odayaasha koonfur galbeed oo soo saaray go’aano culus oo ku saabsan doorashada koonfur galbeed.

Odayaasha koonfur galbeed ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo waxay go’aamiyeen inaanu doorasho madaxweyne ka dhici karin koonfur galbeed, iyagoo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada.

Odayaashu waxay sheegeen in koonfur galbeed lagu kala kacay xad gudub aan indhaha laga qarsan, islamarkaana aysan macquul noqon in iyadoo magaalada dhiig badan lagu daadiyay in doorasho lagu qabto.

Hadalka odayaasha ayaa kusoo beegmaya iyadoo isla maanta ay bilaabanayso qudbad jeedinta murashixiiinta madaxtinimada koonfur galbeed, doorashada ay dhacayso 19 bisha december.

Halkaan ka daawo.

<