(VIDEO) Ciidanka amniga doorashada Puntland oo howlgal culus kawada magaalada Garowe.

Ciidanka amniga xilliga doorashada Puntland, ayaa magaalada Garowe ka bilaabay howlgal culus oo lagula dagalaamayo bacaha madow ee lagu xirto gaadiidka raaxada, kuwaas oo si aad ah looga isticmaalo Garowe.

Taliyaha ciidankaan, sareeye gaas, Cabdirisaaq Diiriye ayaa warbaahinta kula hadlay goobta howlgalkaan laga sameynayay, wuxuu u sheegay in howlgalkan uu saameyndoono cid walba oo gaadiidkeeda ku xirata, xitaa kuwa saraakiisha dowladda ayuu carabaabay.

Waxaa taliyuhu sheegay in loo baahan yahay in amniga sugidiisa laga qeyb qaato maadaama ay Puntland u diyaar garoobayso doorashooyin muhiim ah oo kusoo wajahan maalmaha soo socda.

Halkaan ka daawo.

 

<