Odoyaasha Dhaqanka ee Qoomiyada Oramada oo Hargeysa u yimid sidii loo xoojin lahaa Ganacsiga Qaadka

Wafdi balaaran oo ka socda Qoomiyada Oramada oo ka kooban Isimada ugu waaweyn Qoomiyadaas ayaa waxay booqasho rasmi ah ku joogaan Hargeysa.

Ujeedka Booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay iney tahay xoojinta Ganacsiga ka dhexeeya Qoomiyadaan iyo Shacabka Soomaaliland.

Tan iyo markii ay sanadkaan bilowgiisii ay bilowdeen Rabshadihii iyo Xasuuqii loo geystay Qoomiyada Soomaalida ee ku dhex nooleyd Qoomiyada Oramada waxaa hoos u dhac weyn ku yimid Qaadka loosoo dhoofiyo Soomaaliya ee laga keeno Deegaanada Oramada,taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay dhaqaalaha Oramada oo hoos u dhacay.

Odoyaashaan Orame ayaa waxay hada suuqa ugu jiraan in la xoojiyo ganacsiga Qaadka lana laba jibaaro Qaadka Oramada ee loosoo dhoofiyo Soomaaliland iyo in lasii gaarsiiyo deegaaanada kale ee Soomaalida,

Waa wafdigii ugu badnaa ugu miisaanka weynaa ee Qoomiyada Oramadu ay u dirto Deegaan Soomaaliyeed iyadoon wali laga wada hadlin Xasuuqii ay u geysteen boqolaal Maato Soomaaliyeed ah oo u badnaa Dadka ksoo jeeda Deegaanada Soomaalida ee Itoobiya iyo Soomaaliland.

Sawirada hooos ka daawo

Puntlandi.com
Hargeysa

<