Ciidamada Itoobiya oo ku wareegsan Goobta Xil

Ciidamada Itooboya oo ku hubeysan hub culus iyo Gaadiidka Dagaalka ayaa gacanta ku haya Amaanka hoolka ay Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku shirsan yihiin oo ay ku dhagaysanayaan Khudbadaha Musharixiinta soo haray.

Taangiyaal iyo Beebee ayaa lagu waardiyaynayaa Hoolka Waxayna Itooboya soo doobtay Ciidan badan goobta ay khudbadaha Doorashadu ka socdaan.

Mudaharaadyadii Baydhabo ka socday Maalmahaan ayaa looga cabsi qabaa indy khakhal galiyaan kulamada Baarlamaanka tasaana keentay in Dowlada Federaalku ay Itoobiya ka codsato iney la wareegaan Amaanka Doorashada.

Saaka oo Axada Magaalada Baydhabo aad ayay u degan tahay waxaana xabsiga Ciidamada Itoobiya ku jira boqolaal Shacab ah oo la xirxirau maalmihii lasoo dhaafay.

Puntlandi.com
Baydhabo

<