Xildhibaan Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Xasan Cali Kheyre

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa ka jawaabay hadalkii uu ku duray Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre .

“Shuruucda iyo dastuurka dalka u degsan oo la ixtiraami waayo, isla xisaabtankii oo la diido iyo haddii aad iga aragti duwanaanto sidii shabaabkii ayaan ku shaabadaynayaa intaasi haddii dhaqan qabqable iyo argagixiso ay noqon weydo, ha naloo weydiiyo odoga wuxuu u yaqaan qabqable”.

“Isbaarooyin magaalo la dhexdhigo, umadda oo isu socodkeeda la xannibo, siyaasiyiin la afduubto, hubka oo sharciga ka sara-mara intaas haddii ay noqon waydo qabqablanimo odoga hala weydiiyo waxa uu qabqable u yaqaan”.

“Dhiigga dadka oo si fudud loo daadiyo, shisheeye dadkaada loo adeegsado iyo qabyaaladda oo la Soo faago haddii lagu noqon waayo qabqable, odayga ha naloo weydiiyo waxa intaas ka xun oo qabqable lagu noqon karo”?.

<