Dibad bax rabshado wata oo mar kale ka bilowday Baydhabo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay uu banaan bax rabshado wato uuka bilowday magaaladaasi.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga horjeedaa xarigii loo geystay Musharax Mukhtaar Roobow Cali.

Ciidamada booliska ayaa la sheegayaa in ay xakameynayaan dadka banaanbaxa ka dhigaya bartamaha magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Banaanbaxa ayaa waxaa uu ku soo beegamayaa kadib markii ciidamada Itoobiya ay Baydhabo ku soo xireen Muqtaar Roobow.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal uu ka dhaco Magaalada Baydhabo.

Jahwareer iyo qas ayaa ka taagan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. Banaanbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo xildhibaan lagu dilay Magaalada Baydhabo.

Puntlandi.com.

<