Axmed Karaash oo muujiyay inuu yahay musharax u taagan madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo kamid ah wasiiradda Xukuumada madaxweyne Gaas 5 tii sano ee lasoo dhaafay ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Axmed Karaash oo hal ku dhig siyaasadeed ka dhigtay halgan, horumar iyo hogaan Suuban”, ayaa noqonaya musharixii ugu horeeyay u taagan madaxweyne ku xigeenka ee boorarkiisa ka taago magaalada Garowe, waxaana uu kamid yahay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sool ahna wasiirka duuliska hawada Puntland.

Waa markii labaad oo Axmed Karaash uu iskusoo sharaxayo xilkaan. Sanadkii 2014, ayuu u tartamayay xilkaan inkastoo uu ku haray wareegii ugu horeeyay ee tartanka doorashada.

Warar kale oo uu Puntlandi helayo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filayo inay siyaasiyiin kale oo gobolada SSC kasoo jeeda ku dhawaaqidoonaan inay u sharaxan yihiin madaxweyne ku xigeen. Siyaasiyiinta aadka loo hadal hayo waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha Puntland Timacadde.

Wararka doorashooyinka 

Puntlandi

 

 

 

 

 

<