DEGDEG:- Guddoomiyihii guddiga amniga barlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu dilay Baydhabo.

Guddoomiyihii guddiga barlamaanka koonfur galbeed, Xildhibaan Abdishakuur Yacquub, ayaa lagu dilay Baydhabo, waxaana uu ku dhintay israsaasayn goor dhowayd Baydhabo ka dhacday.

Xildhibaanka ayay isko heyb ahaayeen Mukhtaar Roobow Abu-mansuur, waxaana magaalada Ka jira Cabsi amni oo la xiriirta rabshado udhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleyshiyo beeleed abaabulan.

Wararkii ugu dambeeyay ee Puntlandi ka helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamo maleyshiyaad ah oo u abaabulan hab qabiil ay kusoo qulqulayaan magaalada Baydhabo.

Wixii faahfaahin ah oo dambe kala socda Puntlandi.

<