Breaking News–Wadahadalo hoose oo Reer Baydhabo u socda iyo Doorashadii oo ay baajinayaan , Sababtoo ah

Warar rasmi ah oo Howlwadeenada Puntlandi.com ee Koonfurta Soomaaliya ay hayaan ayaa sheegaya in Wadahadal uu Baydhabo uga socdo Odoyaadha Dhaqanka, Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Deegaanka, Ajandaha ay ka wada hadlayaana siday ka yeeli lahaayeen Dowlada Federaalka oo ay u arkaan iney u gaftey Dowlada Koonfur Galbeed.

Wararka Puntlandi helay waxay kaloo sheegayaan in kulanka looga arin sanayo sidii jawaab muhiima looga bixin lahaa Xariga Mukhtaar Roobow.

Waxay Siyaadiyiintu wadaan qorshe ah in Ay soo saaraan go’aan cad oo Doorashada lagu joojinayo ilaa Mukhtaar Roobow loosoo celinayo Xoriyadiisa.

Kulankaan oo ah mid xasaasi ah waxaa lasoo gabagabeynayaa beri oo sabti ah.

Puntlandi.com
Kismaayo

<