(sawirro) Barayaasha gobolka Nugaal oo sameystay urur ay ku midaysan yihiin.

Ururka barayaasha gobolka Nugaal, ayaa lagu daahfuray magaalada Garowe. kadib xaflad ay isugu yimaadeen barayaasha, aqoonyahanno, guddoonka waxbarashada iyo wasaaaradda. Waa markii ugu horeysay oo urur ay ku midaysan yihiin macalimiinta gobolka Nugaal la aas aaso. Ujeedada loo aas aasay ururkaan ayaa lagu sheegay baahida loo qabo heerka waxbarashada, daryeelka macalinka iyo xoojinta xiriirka macalimiinta.

Aas aasayaasha ururkaan, ayaa tilmaamay ururkaan in lagu aas aasay talo wadaag lala   sameeyay maamulayaasha waxbarashada kadibna loo howlgalay qorshihii lagu dhisi lahaa, ugu dambayna la magaacabay guddoomiye iyo guddi kumeel gaar ah si ay u dhameystiraan una gaarsiiyaan heerka uu maanta soo gaaray ururku.

Mid kamid ah macalinta dumarka ah ee xaflada ka hadashay ayaa ku ammaantay macalimiinta gobolka Nugaal inay yihiin kuwo isku xiran. Waxay sheegtay ururkaan barayaashu ku midaysan yihiin inuu gacan ka geysandoono horumarka macalimiinta. waxay qirtay 15 sano oo ay ahayd macalimad in ay tahay markii ugu horeysay oo ay aragto urur barayaashu ku midaysan yihiiniin.

Maxamed Cali Waaberi oo ah qabiir xaga waxbarashada kana mid ah martidii lagu marti qaaday xaflada, ayaa sheegay in loo baahnaa in la sameeyo urur macalimiintu ku midaysan yihiin, balse wuxuu sheegay macalimiinta laftooda in looga baahan yahay in lagu yeesho waajibaad oo aysan eegin dantooda kaliya.

Proff. Maxmed Cabdi Aadan oo kamid ah aqoonyahanada Puntland, ayaa sheegay ururkaan inuu muhiim u yahay raadinta xuquuqda macalimiinta iyo ardayga. Waxaa kale oo uu soo jeediyay in la raadiyo dallad weyn oo ay ku midaysan yihiin macalimiinta Puntland. Wuxuu guud ahaan macalimiinta ku baraarujyay inay caruurta  ay waxbarayaan ogaadaan inay ammaano ku yihiin kuna dedaalaan waxbarashadooda iyagoo eegayn daruufahooda.

Cabdiraxmaan Sheikhdoon oo ah guddoomiyaha dallada jaamacaddaha Puntland, ahna maamulada kulliyada macaliminta GTEC, ayaa sheegay macalimintu inay yihiin cududa ugu muhiiimsan Puntland sidaad darteedna ay muhiim tahay inay sameystaan dallad ay ku midaysan yihiin. Wuxuu macalimiinta aas aasay ururkaan ku baraarujiyay inayan muhiimadoodu noqon faaido ku raadin, taasoo weecin karta hadafka laga leeyahay ururka.

Daa’uud Sakariye oo ah guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee ururkaan, ayaa sheegay ururkaan inuu yahay mid udhexeeya dhammaan macalimiinta gobolka Nugaal, bahwadaagna la ah urur kasta oo ka shaqeeya waxbarashada, waxaana uu sheegay inuu xoogga saaridoono sidii loo heli lahaa macalin wanaagsan oo soo saara arday wanaagsan.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Nugaal, Cabdisamad Xaamud Maxamed, oo maamulkiisu gacan weyn ka geystay yagleelida ururkaan, ayaa sheegay inuu xal unoqnayo dhibatooyinka waxbarashada, noqondoonana meel laga kantarooli karo tayada waxbarashada gobolka Nugaal, sidoo kalena ay macalimiinta kuwada xiriiraan kuna wada tashadaan islamarkaana ku wadaagaan qibradooda, sidoo kale lagu raadiyo xuquuqda macalimiinta tababarana siiyaan macimiinta.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Proff. Abshir Yuusuf Ciise, ayaa soo dhoweeyay ururkaan, sheegayna nay wasaaraddu la shaqayndoonto. Wasiirki wuxuu ka rajeeyay ururkaan inuu noqdo urur yeesha nidaam lagu hago,  una adeegga tayada waxbarashada macalimiinta.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

 

<