(SAWIIRO) Musharax Aadan Gaadaale oo soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee Puntland.

Masharax Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale), oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa magaalada Garowe ku qabtay xaflad uu kusoo bandhigay qorshihiisa Siyaasadeed ee ku hogaamindooni Puntland haddii uu ku guulaysto doorashada 2019.

Musharax madaxweyne Aadan Gaadaale, ayaa sheegay Puntland inay xilligaan la dalaacayso amni xumo, dhaqaale xumo iyo hantida dowladda oo aan gacan sugini ku jiran, taasoo sababtay in shaqsiyaad gaar ah gacanta u galaan.

Musharaxa ayaa sheegay inuu isku arko shakhsiga Puntland maanta ku toosin kara tubka toosan, gaar ahaan wuxuu farta ku fiiqay arrimaha amniga oo uu ku tilmaamay ahmiyada koowaad ee uu xoogga saaridoono, isagoo taas u maraya dhisida mooralka ciidanka amniga Puntland. “Anigu haddaan guulaysto waxaan dhisidoonaa ciidan qaran, waxaana meesha ka saaridoonaa ciidan qabiil, ” ayuu yidhi musharax Aadan Gaadaale.

Arrimaha kale oo musharuxu tilmaamay waxaa kamid ah, horumarinta dhaqaalaha Puntland lana sameyndoono abuurid dhaqaale, ururin dhaqaale, beeqaamin dhaqaale iyo cadalaad falid dhaqaale, taasoo laga bilaabayo dhaqaalaha Puntland yaala ee lagu xisaabtamayo iyo dhaqaalaha caalamka ugu deeqo.

“Dhaqaalaha Puntland yaala waa nagu filanyahay waana naga badan yahay haddii loo maamulo si cadaalad ah oo hufnaan leh, laakiin maanta waa nasiib darro in dowladdii bixin weydo mushaaraahaadkii shaqaalaha iyo ciidamada har iyo habeen u taagan amniga Puntland.” ayuu musharuxu yidhi.”

Gaadaale ugu dambayn, wuxuu sheegay haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Puntland, inuu ku tilaabsandoono bixinta xuquuqda dowladda lagu leeyahay la dagaalanka musuq maasuqa, inuu garsoorku helidoono madax banaani, wadatashi iyo midnimo iyo inuu Puntland gaarsiindoono doorasho qof iyo cod.

Halkaan ka daawo sawiradda.

Puntlandi.com

<