Musharax Dr.Maxamad Salaad Cali Qoryooley Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Bosaso-Sawiro

Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019 Dr.Maxamad Salaad Cali Qoryooley ayaa maanta oo khamiis ah si aad u ballaaran loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland-Soomaaliya.

Kumaankun dadweyne ah ayaa Musharaxa uga hortegey garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso, kuwaas oo ku dhawaaqayey halkudhigyo, heeso iyo dabaal degyo kale.

Ugu horeyn ayaa Musharax Dr.Maxamad Salaad Cali Qoryooley waxa uu u gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyey magaalada, kadibna waxaa uu salaamey boqolaal qof oo kale oo taagan barxadda garoonka, si sidaas la mid ah ayuu gaariga uga soo degey kumaankun qof oo kale oo taagnaa banaanka hore ee ay ka leexato wadada garoonka gasha, kuwaas oo ciyaarayey ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, lulaayey caleema qoyan, kuna labisnaa halkudhgyo lagu tageerayo Musharax Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryoole

Musharax Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryooley ayaa boqolaal gawaari u galbiyeen gudaha magaalada Bosaso, waxaana uu barxadda kula hadley boqolaal qof oo halkaas ku sugaayey.

Musharax Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryooley ayaa shacabka magaalada Bosaso uga mahad celiyey sida ballaaran ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in ay geliyeen dareen qiiro leh oo uu ka jawaabi doono dalabkooda, waxa uu mahad ballaaran u celiyey ciidanka ammaanka ee sugey amniga muddadii Musharaxu ka soo degay garoonka ilaa barxadda.

Sidoo kale waxa uu u mahad celiyey maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo taliyaasha ciidanka iyo maamulka garoonka diyaaradaha.

Musharax Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryooley ayaa sheegay in dalku maraayo xaalad adag oo ay jirto abaar, colaad iyo dhaqaale xumo, taas waxaa u dheer ayuu yiri in Dowlad goboleedyada iyo Dowladdii federaalku ay xariga kala goosteen. Musharax Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryooley ayaa ku baaqey in xal la helo oo miiska lawada fariisto dalkana loo wada shaqeeyo si ku jirta maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

…Waxaa la soo gaaray xiligii la dooran lahaa hogaan cusub iyo maamul cusub, waana muhiim in laga faa’ideysto ayuu yiri Musharax Dr. Maxamad Salaad Cali Qoryooley

Musharax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu ku talinayo in laga waantoobo si fooyinka laab la kaca ah sida qurbo joog, ganacsade, maal qabeen, Jeneraal, daljoog, waa in aan ka shaqeenaa maskaxda ilaah na siiyay oo aan la soo baxnaa sifooyin wanaagsan oo aan ka fiirsanaa cidda aan dooranayno.

…Sidaa la socotaan adduunka qofka markii uu shaqo la siinayo iska daayee xil waxaa loo fiiriyaa taariikhdiisa wanaagsan iyo waxbarashadiisa, qof horey looga bartay been, wax is weydaarsi, balan furyo, cadaalad la’aan, xatooyo, cid wax u dhiibanaysa ma lahan, maxaase noo diiday anaga inaan sifooyin wanaagsan u sameyno hogaanka aan dooranayno

Musharax Dr.Maxamad Salaad Cali Qoryooley oo ka hadley sababaha ku dhaliyey in uu u tartamo xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in uu yahay Dhakhtar iyo ganacsade weyn oo meelo badan maalgashtey, waxaan garanayaa ayuu yiri ganacasato caalami ah iyo shirkado waaweyn oo doonaya in ay dalkeena maalgashadaan kuwaas oo aan xiriir la lee yahay waxaa kaloo xiriir la leeyahay dhakhaatiirta adduunka oo wadankeena ka fulin kara adeegyo caafiimaad oo aan horey wadanka looga fulin, sidaas darteed loo baahan yahay in aan fursadahaasi ka faa’ideysanaa.

,,Waad ogtihiin baahiyaha caafimaad ee ka jira dalka, shacabka reer Puntland waxa ay adeegyo caafimaad u aadaan magaalooyinka kale ee dalka, iyadoo Puntland dhisan tahay in ka badan 18 sano, taasina waa nasiib darro weyn, waxa uuna musharaxa balan qaaday hadduu uu xilka ku guuleysto in uu wax ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jira Puntland.

Ugu danbeyntii Musharaxu wuxuu sheegay in uu wakhti la qaadan doono, qeybaha kale duwan ee bulshada, sida dhalinyarada, ardayda, haweenka, waxgaradka si uu ugu bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Musharax Dr.Maxamad Salaad Cali Qoryooley ayaa ka mid ah kuwa ugu rajada weyn ee sanadkan u ordaya xafiiska Madaxweynaha oo doorashadiisu dhacayso

<