Muqtaar Roobow oo lagu xiray Baydhabo iyo xiisad ka dhalatay xarigiisa.

Ciidamada Itoobiya ayaa xiray Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed. lama oga weli cida ka dambeysa xarigiisa, walow wararka qaar ay sheegayaan in Villa Soomalaiya ay bixisay amarka lagu xiray.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in lagu xiray meel aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Saraakiil Itoobiyaan ah balamiyeen kadibna la xiray.

Xariga Muqtaar Roobow waxaa ka dhashay xiisad,  iyadoo magaalada Baydhabo uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray ciidanka Muqtaar Roobow iyo ciidamada Ethiopia.

Dowladda federalka ayaa cadaadis xoogan ku heysay Abuu Mansuur, waxaana horey qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga gudaha lagu amray in uusan ka qeyb gali karin doorashada Koonfur Galbeed.

Wixii faahfaahin kala socda Puntlandi.

<