Madaxweyne Farmaajo oo mooshin dhexda uga jira ayaa Muqdisho kusoo dhoweeyay madaxweynaha Eritrea.

Muqdisho (Puntlandi) Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa maanta booqasho markii ugu horeysay ku tagay magaalada Muqdisho, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Booqashadaan uu tagay Muqdisho madaxweyne Isaias Afwerki, ayaa kusoo aadaysa, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu mooshin xil ka qaadis ah ka yaalo barlamaanka Soomaaliya, isagoo ku eedaysan arrimo ay kamid yihin inuu heshiisyo qarsoodi ah la galay dalalka deriska.

Labada hogaamiye ayaa bilihii lasoo dhaafay ugu kulmay Asmara iyo Addis ababa. Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaal hore ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda dalkaas, taasoo dhalisay in labada wadan ay dib aas aasaan xiriirkii saaxiibtinimo.

Lama oga safarkaan kediska ah ee uu Muqdisho ku yimid Isaias Afwerki, waxaa uu ku sabsan yahay, hase yeeshee wuxuuu umuuqdaa mid xoojinaya isbahaysiga cusub ee labada dhinac.

Puntlandi.com

 

 

<