Halkee ayuu marayaa shaqada guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilad aPuntland?

Garowe (Puntlandi) Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Gaas, ayaa sheegay inay meel fiican marayso qabashada codsiga dadka doonaya inay kamid ahaadaan barlamaanka dowladda Puntland ee 2019.

Warsidaha Puntlandi oo la hadlay xubno kamid ah guddiga ayaa u sheegay inay illaa iyo hadda codsiyo ay ka qabteen dad ka badan 50 xubnood oo ducumentiyo kala duwan ka sita Isimada beelahooda, kuwaas isugu jira kuwo kuraastooda uusan muran ka taagnayn iyo kuwo la isku haysto.

Guddiga oo horey uga gaabsaday inay saxaafada ka hadlaan markii la magacaabay, ayaa la filayaa inay maalmaha soo soca qabtaan shir jaraa’id oo kaga waramayaan tirada xildhibanada buuxiyay sharuudaha iyo kuwo aan weli buuxin.

Murashixiinta madaxweynaha u tartamaya ayaa loolan adag ugu jira inay saameyn ku yeeshaan soo xulida xubnaha barlamaanka, isagoo musharax kasta uu doonayo inuu usoo baxo xildhibaano uu cod ka helo.

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa haatan waxaa ku sugan tiro badan oo kamid ah dadka raadinaya kuraasta barlamaanka, dadkaas qeybtood waxay horey usoo kaxaysteen Isimadooda iyo cuqaashadooda.

Beelo badan oo dhexdooda isku khilaafsan xubnaha umatalaya barlamaanka, ayaa Garowe ku sugan,  waxaana mid walba uu warbaahinta kusoo bandhigay xildhibaanka ay soo xusheen.

Puntlandi.com

 

 

 

<