Duqa Garowe oo saxiixay lacagtii Rooga cowska ah lagu saari lahaa garoonka Mire Awaare.

Garowe (Puntlandi) Duqa degmada Garowe, Axmed Muuse Siciid. ayaa saxiixay lacag 150 kun oo doolar oo lagu goglayo roogga cawska ah Garoonka Mire Awaare. Duqa ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay tilaabadaan.

Dawladda Puntland ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay soo wareejinta lacagtaas, gaar ahaan, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulqaadir Siciid Caarshe.

Lacagtaan ayaa qeyb ka ah taageerada dhaqaale ee beesha caalamku ugu talo gashay Soomaaliya, waana qeyb kamid ah qoondadii ay ku lahayd dowladda Puntland.

 

<