DEG-DEG:-Guddoomiye Mursal oo ka guuray Villa Soomaaliya kuna wargaliyay xildhibaanada in mooshinka dastuurka la marsiindoono.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheikh Mursal ayaa isaga guuray xarunta uu ka degen yahay Villa Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu kusoo xayiraad ku saabsan inaan loo imaan karin islamarkaana uu warbaahinta la hadli karin.

Gudoomiye Fursan ayaa u guuray guri kuyaala agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha, waxaana lagu wadaa inuu halkaasi  kula hadlo saxaafada oo loo diiday maalintii shalay.

Dhinaca kale, Warqad lagu faafiyay baraha internetka oo kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa xildhibaanada lagu wargaliyay in mooshinka la waafijindoono dastuurka iyo xeer hoosaadka barlamaanka.

Halkaan hoose ka akhriso.

Puntlandi.com

 

 

 

<