Breaking News : – Gudoomiyaha Barlamaanka oo qoraal ku beeniyey inuu buruburay Mooshinkii lidka ku ahaa Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aanu burin Mooshinkii Xil ka qaadista ahaa ee ka dhanka ahaa Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee ay hore u soo gudbiyeen Xubno ah Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed.

Nuqul qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa lagu sheegay ” in Hindisihii sharci ee Xil ka qaadista Madaxweynaha Dawlada Federaalka ee ay soo gudbiyeen 92 Xildhibaan maalintii Axad 9.12.2018 sida ku cad qodobka 92 ee Dastuurka Federaalka Somaaliyeed farqadiisa 1aad iyo 2aad iyo Qodobka 20aad ee Xeer hoosaad Barlamaanka Fedraalka ah firqadiisa 1aad la waafajin doono sida uu qabo Dastuurka Dalka iyo Xeer hoosaadka Barlamaanku “.

Qoraalkan uu soo saaray Gudoomiyaha Baarlamaanka ay meesha ka saaraya oo waxba kama jiraan ka dhigay qoraal uu horay u soo saaray Xoghayaha Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdirashiid Xaaji Buux oo uu ku sheegay inuu buray Mooshinkii Xil ka qaadista Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo