Breaking News : – Raisal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Eritrea oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho si ay taagero ugu muujiyaan Madaxweynaha Mooshinka laga keenay ee Farmaajo

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ka heleen illo wareedyo ku sugan Magaalada Jigjiga ayaa tibaaxaya in Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiya Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki  ay booqasho ku iman doono Muqdisho Khamiista ama Jamcada todobaadkaan

Wararku waxay intaas ku darayaan in imaanshaha Raisal Wasaaraha Ethiopia ee Muqdisho ee uu ku weheliyo Madaxweynaha Eritrea ay ku soo aadayso iyadoo Dufaano iyo Mawjado Siyaasadeed oo qalfsani ay ku kacsan yihiin dhigooda Somalia ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashada Madaxdan ayaa lagu tilmaamay mid taageero siyaasadeed iyo mid moral loogu muujinaayo Madaxweyne Farmaajo oo la daalaa dhacaya Mooshin Siyaasadeed oo qeyb ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed ku doonayaan in ay xilka uga qadaan, iyagoo ku eedeynaaya dunuub ay ka mid tahay Khiyaamo qaran.

Xiriirka iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee shakiga badan dhaliyey ee Madaxweyne Farmaajo la galay Madaxda Ethiopia iyo Eritrea ayaa ka mid kuwa carada badan ay ka qaadeen Shacbiga Somaaliyeed iyo Xubnaha Barlamaanka ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Puntlandi.com
Jigjiga

<