(SAWIRRO) Musharax Asad Cismaan Cabdilaahi oo soo dhowayn balaaran loogusoo sameeyay Garowe.

Waxaa Magaalada Garowe maanta lagusoo dhoweeyay Musharax Madaxweyne Puntland 2019 Gen Asad Cismaan Cabdilaahi, Musharaxa iyo waftigiisa ayaa lagaga hortagay banaanka  iyagoo ay hareeraha wadooyinka taagnaayeen boqolaal shacab ah oo ku labisan calanka Somalia, Puntland sawirada iyo halku dhiga mushraxa, ugu horayn Musharaxa ayaa mid mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay oo ay qayb ka haayeen isimmada dhaqanka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Intaas ka dib Musharaxa ayaa usoo gudbay gudaha magaalada iyagoo ay hareera socdaan fardo si quruxbadan loo diyaariyay, Gen Asad ayaa markale soo dhawayn kala kulmay gudaha magaalada oo ay ku sugayeen boqolaal shacab ah, ugu danbayn shacabka ayaa isugu yimi fagaaraha Barxada weyn ee magaalada Garowe.

Gen Asad Cismaan oo khudbad kooban jeediyay ayaa ugu horayn u mhaadceliyay Shacabka degmada caasimadda sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyeen, sidoo kale khudbadiisa waxa uu diirada soo dhowayntiisa, isagoo sheegay inuu Garowe kulan balaaran oo uu kula hadlidoono shacabka caasimadda ku dhaqan.

Gen Asad Cismaan Cabdilaahi oo 1dii bishaan Dec Boosaaso uga dhawaaqay in uu sharaxan yahay magaalada Boosaaso ayaa safaro kala duwan ku kala bixinayay Gobolada Puntland.

Halkaan ka daawo sawiradii soo dhowaynta.

Puntlandi.com 

<