Musharaxiinta Puntland oo saxaafadeed ka soo saaray Khilaafka madaxda sare ee Puntland .

War saxaafadeed

Khilaafka dastuuriga ah ee ka taagan Dawladda Puntland

Arar:

Puntland waxaa saldhig u ah heshiiskii beelaha reer Puntland wada dhigteen ee ahaa dastuurka Puntland (social contract). Dastuurkaas oo ku saleysan shareecada islaamka waana qaynuunka ugu sareeya ee Puntland. Dastuurka qof ka weyn ma jro waana mid muwaadiniintu u wada siman yihiin; waana lama jabiyaan.

Jiritaanka Puntland iyo sugidda amnigeedu waa mid muqadas ah oo qof walba oo reer Puntland ah mas’uuliyad ka saran tahey.

Waxaa wax la yaab leh ah in madaxweynaha dawladda Puntland C/weli M. Cali Gaas uu si cad ugu tuntay welina ku sii tumanaayo dastuurka Puntland. Waxaa shacabka reer Puntland markhaati ka ahaayeen:

 In Madaxweynaha talada hayaa barqo cad laaluush $2,000,000 (laba milyan oo dollar) ah baxshey si aan qarsoodi iyo khajilaad midna ku jirin. Taasoo ah markii ugu horeysey taariikhda puntland
 In dekedda Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha dhadhamo lacageed la siistey. Taasoo ilaa hada aan lala ogeyn waxa heshiiskaasi yahey iyo wuxuu ku kpoban yahey
 In lacagtii mashruuca waddada Gaalkacyo iyo Garoowe oo ahayd laf-dhabarta dhaqaalaha iyo isku socodka soomaaliya la lunsadey sida hay’adii GTI ku caddaysey EU oo ahaa deeq bixiyayaasha mashruucaas baaxadda wayn
 In madaxweynuhu samaystay makiinado lacag been abuur ah sameeya. Taasoo dhaawac weyn u geeysatey dhaqaalihii dalka, sicir bararkana gaarsiisey heer aan laga soo kaban karin.
 In Madaxwaynaha iyo Xulufadiisa shirkado dhaqaale si goonni ah u samaysteen.
 Iyo wax yaabo kale oo fara badan oo musuqmaasuq la xiriira ee aan la soo koobi Karin ay ku kacdey xukuumadiisa
 Wuxuuna dayacay difaacii dalk,a waxaana calool xumo ah in manta loojiro caasimada Garoowe 60 KM

Arrimahaas oo idil waxey caddaynayaan in dastuurkii/sharcigii shacabka reer Puntland si khaldan loogu takri-faley muddadii Madaxweyne Gaas dalka xukumey. Intaas oo qaladaad ah ka dib, Madaxweyne Gaas wuxuu abuurey jawi jaah wareer ah iyo in uu khilaaf baahsan kala dhex dhigay beelaha xubnaha baarlamaanka leh. taasoo ay sii dheertahay inuu magacaabo gudigii ansaxinta iyo khilaafaadka golaha wakiillada si baal-marsan dastuurka iyo hab-raacii guddiga. Taariikhda PL waa markii ugu horreysey ee Madaxeyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen soo kala magacaabaan labo guddi oo iska soo horjeeda, ka dib markii Mr. Gaas ku takri-faley arrintaas oo uu talo-gelintii dastuuriga ahayd siin waayey Madaxweyne Xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Sida uu ka markhati kacay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland, kuna cad warqadii taariikhdeedu ahayd 06/12/2018, sumadda DPL/XGG/007/06/12/2018, qodobkiisa 2aad wuxuu caddeynayaa (In awoodda magaacabista guddiga ansaxinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiiada Puntland uu leeyahey Madaxweynaha hada tala haya isagoo la tashanaya Madaxweyne-ku-xigeenka dawlada puntland sida uu qabo dastuurka dawlada Puntland)

Musharraxiinta:
Musharaxiintu waxey walaac weyn ka qabaan ku takri-falka dastuurka taasoo hubaashii horseedi karta amni xumo iyo khal khal siyaasadeed iyo boob doorasho.
Musharraxiintu waxey hoosta ka xarriiqayaan in marnaba aysan yeelayn in dastuurka lagu tunto, madaxweynaha musharraxa ahna siduu rabo ka yeelo masiirka umadda iyo dalka taasina waa wax aan sina looga yeelayn.
Musharraxiintu waxey isticmaali doonaan awood walba oo sharciga waafaqsan oo si ay doorashadu si hufan oo amni leh ugu dhici,lahayd, waxaan si cad u caddeyneynaa in marnaba aannaan yeeleyn in Abdiweli M. Ali Gaas fara maroorsado talada dadka iyo dalka – wixii dhib ah ee ka yimaadana isaga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadaya.

Hadaba si uusan faraha uga bixin amniga iyo sharciga dalka u yaal, waxaan soo jeedineynaa in si deg deg ah ay usoo fara-geliyaan:
1. IsimmadaPuntland
2. Maxkamadda sare ee Puntland
3. Culumaa’uddiinka Puntland
4. Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Puntland
5. Ururada bulshada Rayadka ah ee Puntland
6. UNta iyo Ururada Caalamiga ah (International Community)

Murashaxiinta soosaaray war saxaafadeedkaan:

1. General Axmed Jaamac (Shaale)
2. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale)
3. Prof. Cabdirizaaq Cabdullahi Jaamac (Jannagale)
4. Eng. Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)
6. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)
7. Cabdisamad Maxamed (Gallan)
8. Maxamud Cabdi Maxamed
9. General Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere)
10. Xuseen Axmed Xasan Fiqi
11. Siciid Cali
12. Dr Maxamed Salaad (Qoryooley)
13. Dr Saadiq Eenow
14. Xaaji Maxamed Yaasiin
15. Prof. Cabdiwali Cabdiraxmaan Geyre
Alle ayaa Mahad Leh.

Mahadsanidiin Dhamaantiin

<