Markab si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Soomaaliya oo gacanta lagu dhigay.

Markab laga leeyahay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Navy Ship Sunua, ayaa lagu soo waramayaa inuu gacanta ku dhigay markab sida sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Soomaaliya.

Markabka ayaa looga shakisan yahay inuu jariif ba’an ka waday meel qiyaastii 25 nautical miles ujirta xeebaha Soomaaliya kuna dhow jasiirada Socotra.

Baaritaan horudhac ah ayaa lagu ogaaday in markabka uu ku jiray kalluumaysi sharci-darro ah, isagoo watay hubka nuucyadiisa kala duwan.

Afhayeen u hadlay ciidanka qabtay markabkaan, ayaa sheegay inay la wareegeen hubkii iyo rasaastii saarnaa markabka si looga hortago adeegsigooda sharci darrada ah.

War murtiyeed kasoo baxay howlgalka ayaa lagu sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay ballanqaadka Ciidamada Badda ee Hindiya si loo hubiyo ammaanka xeebaha Soomaaliya.

Puntlandi.com

<