DEG-DEG:- Mooshin culus oo laga gudbiyay madaxweyne Farmaajo.

DEG DEG:- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa Mooshin ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana la xaqiijiyay inuu ka qabtay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, sida ay qorayaan saxaafada koonfurta Soomaaliya ugu codka dheer.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu helayo Puntlandi ayaa sheegaya inay mooshinkaan gudbiyeen xildhibaano gaaraya 92 mudane, kuwaas oo intooda badan kamid ah xildhibaanada mucaaradka.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa la filayaa inuu saxaafada la hadlo, oo uu ka hadlo mooshinkaan.

Warbaahinta ayaa heshay nuqul guddoomiyaha barlamaanku ku cadeynayo inuu diiwaan galiyay mooshinkaan.

Wixiii faahfaahin ah oo dambe kala soco Puntlandi.

 

 

<