Soomaaliya iyo Nigeria halkee kaga jiraan liiska dalalka ay aafeeyeen kooxda Argigixisada?

Nigeria ayaa loo aqoonsaday wadanka Afrika ugu horeeya ee argigixisadu awoodu ku leedahay , sida lagu sheegay warbixin sanad leh oo ay sii daayay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Australia oo lagu magacabo Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda. (Australia-based Institute for Economic and Peace.)

Nigeria ayaa sidoo kale liiska Argagixiska Caalamiga ah 2018, ka gashay numberka saddexaad kadib138 dal oo warbixintaan laga sameeyay, waxaana kaliya ka horeeya Iraq iyo Afganistaan.

Soomaaliya ayaa dhankeeda kaalinta labaad kaga jirta liiska wadamada Afrika ee argigixisadu saamaynta xoogan ku leedahay waxaana sidoo kale ay ku jirtaa afarta wadan ee kooxda hubaysani ka geystaan weerarada bahalnimada ah.
Wadarta dhimashada argagixisada geysatay ee Nigeria ayaa sanadki 2017 gaartay 1,532 , waxaana xusin mudan in 16% ay hoos udhaceen sanadkaan.

Falalka argigixiso ee dalka Nigeria waxaa ka dambeeya labo koox oo lagu kala magacaabo Boko Haram iyo Fulani. Sanadkii 2017 Boka Haram ayaa loo aqoonsaday inay ahayd kooxdii geysatay dhimashadii ugu badnayd ee ka dhasha dhaqdhaqaaqyadooda hubaysani.

Somaliya, Sanadkii 2017 ayaa loo aqoonsaday kororkii ugu weynaa falalka argigixisadu ka dambeyso waxaana lagu qiyaasaa kor ukac dhan 93%. Alshabab ayaa ka dambeysay 92% dhimashada la xiriiranayo falalka argigixiso sanadkii 2017..
Halkaan ka akhriso liiska.
1 – Nigeria
2 – Somalia
3 – Egypt
4 – Democratic Republic of Congo
5 – Libya
6 – South Sudan
7 – Central African Republic
8 – Cameroon
9 – Sudan
10 – Kenya

<