(SAWIRRO+VIDEO) Cali Xaaji Warsame,” Puntland uma baahna musharax boorso wata oo markii laga guulaysto diyaarada horey kasii raaca.

(Qardho (Puntlandi) Wasiirkii hore ee waxbarashada dowladda Puntland, Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta si aan kala har lahayn loogusoo dhoweeyay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, isagoo halkaas ku tagay mid kamid ah booqashooyinkiisii ugu muhiimsanaa ee qeybta ka ah ololihiisa doorashada madaxtinimada.

Dadweynaha reer Qardho iyo maamulka degmada ayaa musharax Cali Xaaji Warsame ku tilmaamay nin muwaadin ah oo usoo shaqeeyay ummadda reer Puntland, waxay kaloo ku ammaaneen inuu yahay ninka kaliya ee maanta Puntland ujihayn kara tubta toosan horeyna loosoo tijaabiyay waxqabadkii uu ka geystay Puntland.

Dr. Cali Xaaji Warsame, ayaa shacabka Qardho uga mahad celiyay sida niyad samida leh ee ay kusoo dhoweeyeen, isagoo ammaanay magaalada Qardho inay tahay xarun gobeed oo dadka ku noolina ay ku weyn tahay Soomaalinimada iyo Puntlandernimada.

“Waxaan shacabka reer Qardho iyo guud ahaan reer Puntland u sheegayaa, shalayto waan tartamay. Markii tartankii dhamaaday, ragbaa isla maalintii doorashadu dhamaatay diyaarad raacay. Dadkii sidaas ahaa maanta ayay soo noqonayaan iyagoo murashixiin ah, war maka yeelaynaa? Waxaan rabnaa in dalka la joogo, Aniga waa la iga adkaaday, waan u hambalyeeyay waan kula shaqeeyay dalkana waan joogay. Reer Puntland waxan u balanqaadayaa in alle intaan dedaali karo inaan dedaalo, inaan ummadda iskusoo dhoweeyo, cadaalad ku dedaalo, dhaqankooda ilaaliyo iyo inaan ciidankooda mujaahidiinta ah xaqooda siiyo.” ayuu yidhi musharax Cali Xaaji Warsame.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi,”Waxaan kaloo idiin balanqaadayaa inaan ilmihiina waxbarashadooda iyo xirfadooda uraadiyo, inaan idin tuso Puntland oo gob ah tartami karta aduunka ka muuqata Soomaalina magac u ah islamarkaana uu qof walba codkiisa ku tartami karo waxna ku dooran karo. Waxaan kaloo idiin balanqaadayaa inaan been idiin sheegidoonin”.

Halkaan ka daawo sawiradda iyo muuqaalada.

Puntlandi.com

 

 

 

 

<