(Dhegayso) Beelihii ku dagaalamayay degmada Taleex mudo 7sano ah oo heeshiis kala saxiixday

Waxaa maanta Degmada Taleex ee gobolka Sool   lagu soo afjaray colaad mudo 7 sano jirsatay oo udhexaysay laba beelood oo ood wadaag ahaa.

Xalinta khilaafka labadan beelood ayaa dhowr jeer oo hore lagu guul daraystay , balse waxaa maanta soo afjaray wadfi uu hogaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse .
Beelahan ayaa ku heshiiyay in ay kala qaataan maggta labada dhinac dadkii uga dhintay mudadii uu dagaalku socday.
Boqorka beelaha daarood iyo Isimada Puntland ayaa socod lug ah ku maray goobihii lagu dagaalamay .
Halkan ka dhrgayso.
Sawiro.

 

<