Dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee bixinta Darajada hay’adda sirdoonka Somaliland

????????????????????????????????????

Bixinta darajada ciidamada Somaliland, waxaa u qaabilsanaa gudi uu madaxweynuhu u magacaabay kuwaas oo la odhan jiray (gudia bixinta darajada ciidamada Somaliland).

Wareegoodii u danbeeyey ayaa waxay noqdeen qaar awoodoodii iyo cadaaladoodiba gabay sababo jira awgeed, xitaa qaar ka mida gudida darajada ayaa waxaa uu taiyaha sirdoonku amray ineyna soo gali Karin xerada sirdoonka, kaas oo amarkaasi noqday mid ka sareeya gudidaba.

Taliyaha aya waxaa uu amarada awooda leh ka helayaa labada wasiir ee xukumada siiranyo ugu tunka weynaa oo xitaa lagu xaman jirey iney copy gareeyaan saxeexa madaxweynaha, xitaa gudida darajada waxaa loo madax baneysiin waayey markay sarakiisha hayada la kulmayaa mid mid kuwaaso oo sarakisha ka qaabilaayey CV-yaday sitaan iyo aqoontoodaba iyagoo suaalana waydiinaya, ayaa halkaas waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha hay’ada sirdoonka oo sarakiisha aanu dooneyn meesha xitaa ugu dhex hanjabi jiray.

Labada wasiir ee ugu tunka weynaa xukumadii siiranyo .
1- Maxmuud xaashi wasirkii madaxtooyada
2- Samsam wasiirkii maaliyada.

Waxyaalaha gudida darajada ku kaliftay iney cadalada ka tagaan waxaa ka mid ahaa , saraakiil ka soo jeeda labada wasiir qolodooda ayaa waxay gudida ka codsadeen in darajo ay doonayeen oo ay waliba labad wasiir la doonayeen helaan, iyagoo gudida darajaduna ka diiday arinkaas, ayaa maalmo ka dib waxaa taliska sirdoonka la keeney warqad ay ku qoran yihiin saraakiishii ay darjada u diideen oo sita tay u diideen tu ka saraysa oo madaxweynu ku saxeexan yahay iyagoo xitaa qoraal ka haysan gudida darajada, sarakiisha ayaaban xitaa haysan shahadada dugsiga sare iyo wax u dhigma.

Halkaas waxaa iyana jaanis ka helay ciidam la shaqeeya ingiriiska oo iyaga ka amar qaata oo laba mushahar qaata mid ingiriiska ah iyo mid Somaliland ba ah , waxaaney 6 sarkaal oo ka mid ciidankas ay ingiriiska u sheegeen in darajadii la iska guranayo , kuwaas oo ingiriskiina labadaa wasiir ka codsadey in 6 sarkaal darajo sare loo siiyo,
6 sarkaal oo qabiil ahaan ka soo jeeda 5 sacad muuse halka ka hadhayna uu yahay habarjeclo. Dhacdooyinka xanuunka badani waxaa weeye ingiriska oo darajadii so faragshaday xitaa dalka jabuuti oo xitaa gacanta lixdan sarkaal darajadooda ku lahaa, kuwaas oo dawlda jabuuti u shaqayn jiray iyagoo war bixinoyinka u gayn jiray dawlada jabuutina, helayna baasbooro jabuutiyaana.

Waxaa dhacdo fool xun ahay markiii madaxweyna cusub ee Muuse Biixi la doortay ayaa waxaa socdaal ku tagay dalka jabuuti 6 sarkaal iyagoo xadhigna kula sii kacay sarkaalad ka soo jeeda qabiilka ciise, sarkaaladas oo iyagu madaxda qaybtan uu ingiriisku mamulo ka codsatay iney shaqo kale qabsan karto, taas oo loo ogoladay, kana shaqay jirtay safarada jabuti ee hargeysa, iyagoo xitaa shaqad lagu gayn jiray gaadiidka sirdoonka, ayaa hadana la xidhay , iyadoo dhacdadaasi taagan tahay ayaa 6 sarkaal u baxeen dalka jabuuti iyagoo islahaa baasaboorada soo cusbooneysiiista yaa markay galeenba xadhig lagula kacay iyadoo maalmo ka dibna inta baasaboordii laga kansalay lagu soo daadiyey lughaya, waxaa ilo xogogaali sheeg iney dawlada jabuuti ay ka qaadan jireen lacag badan, kuwaas oo u gudbiyeyey sirdoonka jabuuti warbixinooyin been u badan oo ay kaga raadin jireen lacag sirdoonka Jibuti.

Puntlandi.com