(Sawirro) :Musharax Asad Cismaan Oo Soo Dhaweyn Ballaaran Qardho Loogu Sameeyey.

Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray xarunta dhaqanka Soomaaliyeed ee Qardho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Kumannaan shacab ah  ayaa musharaxa iyo waftigiisa kaga hortegay magaalada banaankeeda si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan, waxaana wajiyadooda ka muuqday dareen farxadeed oo ay u qabaan inay arkaan Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi.

Musharax Asad oo shacabka qardho kula hadlay Fagaaraha guriga beenyada ee Qardho ayaa ka mahadceliyay sida qiimaha iyo sharafta leh ee loogu soo dhaweeyay  isaga iyo waftigiisa magaaladda.

“ Qardho maanta waa hadashay, horena idiinkaa hadlay oo i dalbaday oo waxaad tiraahdeen isa soo sharax, shacab weynaha reer Punland baa i dalbaday, maanta waad muujiseen” ayuu yiri Musharax Asad Cismaan

Musharax Asad wuxuu ballanqaaday haddii uu xilka ku guulaysto inaysan dhici doonin Puntland kala maqan oo uu xorayn doono degaamada gacanta cadowga ku jira. Musharuxu wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalada Laascaanood  lagu xirxiro shacab dareenkooda muujiyay oo taageeray musharaxnimadiisa

“ waxaan u sheegayaa qolada xirxiratay in dadkaas xoriyadooda u soo celiyaan, xaq bay u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda, gobokaasi waa Sool, magaalada Laascaanood wixii ka dhacay waad ogtihiin” ayuu yiri Musharax Asad Cismaan

Musharax Asad Cismaan oo Socdaalkiisa Difaac iyo dowladnimo ku soo maray Degmooyinka Badhan, Ufayn, Carmo, Waaciye, Dhahar iyo degaamo kale waxaa  uu inta uu Qardho ku sugan yahay kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladda, isagoo kala hadli doonaa barmaajimkiisa siyaasadeed ee uu doonayo inuu ku hoggaamiyo Puntland 5ta sanno ee soo socota.

Sawirro.