Garyaqaanka Qaranka Puntland ,Gaas iyo Camey “Yaa ku Qaldan Magacaabista Guddiga yaase ku saxsanaa”

Garyaqaanka Guud ee dowladda  Puntland mudane  Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray maanta wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u laheyn inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka sida uu Dastuurku qabo.

Qodobada 80 iyo 81 ee Dastuurka maamulka Puntland ayaa kala cadaynaya awoodaha ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Su,aasha ay dadku iswaydiinayaan ayaa ah ,halkee ayuu ku maqnas garyaqaanka tan iyo markii kala magacaabayay Gudiyadaan is diidan?
Halkan ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Garyaqaanka Guud ee Puntland.