(Dhegayso) Qorshaha dowladda iyo sugida Amniga xiliga doorashada Puntland

Puntland ayaa waxa ay ku jirtaa xili kala guur ah ,waxaana  janaayo 2019 ay galaysaa doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa .

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay , waxaana heegan buuxa lagaliyay ciidamada amniga ee dowladda Puntland .

Ciidamada ayaa howlgalo ka wada magaalooyinka waawayn ee Putland sida, Garoowe , Gaalkacyo iyo Boosaaso .

Saraakiisha ciidamada ayaa shacabka kacodsaday in ay lashaqeeyaan.

C/bare Yuusuf Jibriil oo horay uga mid ahaa Baarlamaankii hore ee Somaaliya ayaa Puntlandi.com u sheegay in amniga aysan ka shaqayn karin ciidamada oo kaliya ee loo baahanyahay shacabku in ay la shaqeeyaan.

Dhinaca kale waa maxay qorshaha dowladda ee sugida amniga xiliga doorashada Puntland? su,aalahaasi waxaan waydiinay wasiirka War-faafinta Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab.

Dhegayso.