(Dhegayso) Ciidamada DDSI oo fashiliyay Qaraxyo laga fulin lahaa magaalada Jigjiga

Ciidamada Amniga ee dowladd deegaanka Itoobiya ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyo la doonayay in lala beegsado goobaha ay dadka ku badan yihiin, sida  Jaamacadaha , xarumaha dowladda iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan .

Qaraxyadan ayaa waxaa la shegay in ay soo abaabuleen xubno horay uga tirsanaa maamulkii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar .

Ciidamada ayaa ku guulaystay in ay qabtaan ragii fulin lahaa qaraxyadan , waxaan uu qorshuhu ahaa in qaraxan la fuliyo 26ka bishan .

Madaxweynaha dowladd deegaanka Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa qaraxyadan  ku eedeeyay in ay soo abaabuleen  xubno ka tirsanaa mamaulkii hore ee dowladd deegaanka oo ku dhuumaalaysanaya magaalada Hargaisa .

Falkan ayaa la sheegay in uu horkacaayay nin lagu magacaabo Axmed Mahad Colow .

Halkan ka dhegayso Taliyaha ciidamada dowladd deegaanka Itoobiya.