Wasaaradda waxbarashada Puntland oo hab casri ah ukeydinaysa xogta waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Samaysatay agab casri ah oo Xogta Waxbarashada lagu magacaabo (EMIS) oo ah hab lagu ururiyo laguna diiwaan galiyo, laguna keydinayo sanad kasta xogta waxbarashada Puntland.

New software Agabkan Casriga aha ayaa dhamaan lagu tababaraya Gudoomiyaasha Waxbarashada Puntland iyadoo u tahay maamul dajin xogta Waxbarashada Puntland, iyadoo Wasaaraddu ubahan tahay in la helo xog dhab ah oo lagu kabidoono waxyaalaha la hiigsanayo mustaqbalka dhow.

Agabkan casriga ah ayaa dhawaan ka howlgalaya Xafiisyada Gudoomiyaasha Waxbarashada Puntland markii ay tababarka qaatan.

Wasaaradad Waxbarashada iyo Tacliina sare ee Dowlada Puntland ayaa horay u lahayd Mechine Casri oo dabaca buugta iyo imtixaamadka iyo macheno lagu baaro shahaadoyinka been abuurka ah oo gobalada ka yimaada sida badalada oo kale.

Puntlandi.com