Al-shabaab oo qarax ku dishay saraakiil Ciidan

Kooxda Al-shabaab ayaa maanta qaraxyo qorshaysan waxa ay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Qeybta 12 Apriil Cumar Aadan Dhabad (Cumar dheere)  iyo Abaandullaha Qeybta 12April General Cabdi Cali Jamaame.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxa uu haleelay gawaaridii ay la socdeen saraakiishan.

Al-shabaab ayaa horay u ogayd xiliga iyo saaca ay ku soo aadanaayeen ragan .

Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hada kama aysan hadlin weerarkan ,balse maalmihii udambeeyay saraakiishan ayaa waxa ay howlgalo ka wadeen gobolka Shabeelaha Hoose .