Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland oo beeniyay in la bixiyay qeyb kamid ah garoonka kubada cagta Mire Awaare

Wasiirka, shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, ayaa si adag u beeniyay in cid gaar ah lasiiyay qeyb kamid ah garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garowe, kadib markkii arrintaan hadal haynteedu badatay.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal kasoo baxay wasiirka.

Waxaan bulshada reer Pubtland Gaar ahaan ku wa reer Garoowe halkaan ugu soo gudbinayaa in aaney waxba ka jirin warar been abuur ah oo baraha bulshada lagu baahiyey. Warakaas oo sheegaya in qayb ka mid ah Garoonka Mire Awaare dad la siiyey ama lagu wareejiyey.

Sidaad la socotaan waxaan shalay dhagax dhignay dhisme casriya oo hal dabaq ah looguna talagalay horumarinta Arrimaha dhalinyarada. Dhismahaan waxaa nala fulineysa Hay’ada UNFPA waxaan dhaqaala la kaashanay Wadanka Sweden. Dhisnahan ayaa faa’iido iyo waxtar intama ku soo kordhinaya Caasimada gaar ahaana adeegyada dhalinyarada oo baahi weyn loo qabo.

Dhimahaani kuma dhex jiro Qaybtii hore ee Garoonka ee waxa uu ka dhismayaa qaybta kubada Kolayga oo Garoonka ku dhegan waxaana lagu kordhiyey qaytaan 2012kii.

Hadaba, waxaan ka xumahay in dad aan is leeyahay waxay neceb yihiin horumarka ama aan filayo in ay dan gaar ah leeyihiin ay bulshada warar been ah ka dhex wadaan.

Sidaa owgeed waxaan bulshada la wadaagayaa in aaney waxba ka jirin warka sheegaya in dad gaar ah meesha la siiyey in ay qaatan taasna wax suurta gal ah ma aha gaar ahaana maha aniga wax laygu yaqaan in aan hantida dadweynaha sigaar ah cid ugu taagero.

Waxaan diyaar u ahay in aan ka qancino cidkasta oo shegi ay geliyeen si xun waxu sheega mid yar iyo midweynba waxaana mudan in aan dhamaanteen bogaadino horumarka inoo soo kordha.

Cabdirahman Shiikh Axmed ( Habarwaa)
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga