TACSI : – Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Cilmi Shido ( shurbeyn ) oo saaka ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee Dalka Danmark

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICIIN

GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa Allaah ha u naxariistee saaka oo ah Arbaco 5.12.2018 subixii hore ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee Dalka Danmark Marxuum Cabdulqaadir Cilmi Shido ( Shurbeyn )

Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Shurbeyn ayaa ahaa Oday Somaaliyeed oo dadka u dhaxeeyey, isla markaana degnaa Dalka Danmark mudo aad u dheer.

Jaaliyada Puntland iyo guud ahaan mida Somaaliyeed ee Danmark waxay iyaga oo ka tiiraaneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Cabdulqaadir Cilmi Shido ( Shurbeyn ) Tacsi u dirayaan Qoyskii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, Waxayna Allaah uga baryayaan Marxuumka Dembi dhaaf iyo Naxariis. Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxyna Eebbe samir iyo iimaan ka siiyo.