Sawirada Madaxweyne Gaas oo lagu sharaxay Wadooyinka Garowe

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Ximkiisu ku egyahay Janaayo 8deeda sanadka soo socda ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu Musharax yahay inkastoo dhowrjeer uu hadalo muujinaya Musharaxnimadiisa ku hadlay.

Maanta waxaa barxada Garowe lagu sharaxay Sawirada Cabdiwali Maxamed Cali Gaas , sawiradasoo ah kuwa ololaha Doorashada.

Beri oo khamiisa waxaa la filayaa in Sawiradiisa oo badan lagu arki doono wadooyinka Magaalada, waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada.
Puntlandi.com
Garowe