Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu dib ufurayo xiriirka kala dhexeeyay Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dib ufurayso xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Soomaaliya, ku dhawaad muddo 30 sano kadib.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto , ayaa hadalkaan kasii daysay warbaahinta, iyagoo sheegtay in safaaraddooda oo hadda degen Nayrobi loo raridoono magaalada Muqdisho.

Maraykanka ayaa safaaradiiisii Soomaaliya ku tiilay albaabada ulaabay sanadkii 1991, iyadoo sababaynayo dagaaladii udhexeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo jabhaddii kasoo horjeeday ee xukunka ka tuurtay.

Safiirka Maraykanka ayaa tilmaamtay in ay tahay markii ugu horeysay oo Maraykanku tilaabo caynkaan ah qaadayo tan iyo markii uu aqoonsaday dowladda federalka Soomaaliya sanadkii 2013, dalkuna ka baxay kumeel gaarnimadii.

Waxa ay intaas ku dartay: “Dib-u-soo-celinteenu waxay muujinaysaa ballanqaadka Mareykanka ee ah inuu sii hormarinayso xasilloonida, dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaalaha ee labada wadanba.”
Safiirku waxa aysan meesha ka saarin qatarta ururka Alshabaab.

Puntlandi.com