(Dhegayso) Maleyshiyaadka ka amar qaatay Muuse Biixi oo bilaabay Afduubka Haweenka Gobolka Sool

Ciidamo ka tirsan Malayshiyaadka Muuse Bixi , ayaa la sheegay in deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool in ay ka qafaasheen Xaawo Cali Cismaan  oo ahayd haweenay degan geegaanka .

Lama sheegin sababta gabadhan loo haysto , waxaana la afdubtay  xili ay safar ku jirtay.

Maleyshiyaadka  Soomaaliland ayaa waxa ay gabadhan ku haystaan deegaanka lagu macaabo  Badweyn .

Siyaasi Cali Mareyak  oo kamid ah siyaasiyiinta ka so jeeda gobolka Sool ayaa ka hadlay afduubka gabadhan , wuxuuna ku eedeeyay in uu ka dambeeyay Taliyaha Maleyshiyaadka Hargaisa .

Halkan ka dhegayso.