DEG-DEG:- Wasaaradda dhalinyarada Puntland oo joojisay dhismaha xarun loogu magac daray xarunta dhalinyarada kadib buuq ka dashay.

Amar kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqada shaqaalaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa lagu la joojiyey hawshii dhismaha xarun loogu magac daray xarunta dhalinyarada, taasoo laga dhaqax dhigay dhinaca danbe ee garoonka kubada kolayga ee garoonka mira awaare.

Qoraalka ayaa lagu cadeeyay in dhismaha centre uu yahay qaybaha baahiyaha dhalinyarada ayna tahay mid wasaaradu maamusho masuuliyadiisana leedahay . Waxaa kaloo lagu sheegay in aanu haba yaraatee saamayn ku lahayn dhismaha garoonka kubada cagta mira Awaare.

Wasaaraddu waxay raali gelin ka bixisay dadkii sida qaldan wax loogu sheegay iyo dhamaan shacabka caasimada Garoow, iyadoo cambaareysay  shaqsiiyaadka sida khaldan u adeegsadey arintan..iskuna deyey inay buuq abuuraan.

Puntlandi.com