Daawo Siyaasi Axmed Aden Carab : – ” Gudida M/weyne ku xigeenku ii magacaabay waa sharci daro, waana iska casilay, Dawlada Faderaalkuna faragalinta ha ka deyso Puntland “

Siyaasi Axmed Aden Carab oo ka mid ahaa xubnihii wax ka asaasay Dawlada Puntland, isla markaana xilal kala gadisan ka soo qabtay Xukuumada Puntland ayaa maanta iska casilay xubin gudiga khilaafaadka doorashooyinka ah oo uu u magaacabay shalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullahi Camey.

Mudane Axmed Aden Carab oo maanta xarunta gurigiisa ee Caasimada Garoowe kula hadlaayey Warbaahinta ayaa sheegay in xubintiisa iyo dhamaan gudida Madaxweyne ku xigeenku magacaabay ay yihiin sharci daro baal marsan Dastuurka iyo Shuruucda Doorashooyinka Puntland.

Mudane Axmed Aden Carab ayaa sidoo kale uga digay Dawlada Federaalka Somaaliyeed faragalinta ay hayso Dawlada Puntland, oo ku tilmaamay in ay tahay Hoyadii dhashay ee soo Gardaadisay Dawlada dhexe ee Federaalka ah.

Halkan ka daawo Warsaxaafadeedja Axmed Aden Carab.

Gudiga Doorashada