DEG-DEG:- Qaar kamid ah Murashixiinta madaxtinimada Puntland oo ka hor yimid guddigii uu magacaabay madaxweyne Gaas.

16 murasharax oo kamid ah murashixiinta madaxtinimada Puntland, ayaa ka hor yimid guddigii xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada Puntland ee uu magacaabay madaxweyne Gaas.

Murashixiintaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe waxay sheegeen guddigaan inaan dhex dhexaad loo arag  uuna khilaafsan yahay sharuudihii iyo wadatahsigii ka dhexayn lahaa saddexda hogaamiye ee taladu ka dhex lahayd.

Musharixintu Waxay kaloo caddeyeen inay taageersan yihiin liiska uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo guddoomiyaha barlamanka Puntland ayna talo ku lahaayeen murashixinta, iyagoo ku tilmaamay inay yihiin xubno dhex dhexaad ah oo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa.

Wararka doorashooyinka Puntland.

Puntlandi.com