Cadeeymo Buuxa : – Talaabada uu qaaday M/weyne ku xigeen Camay iyo Musharixiinta taageryba waa Xadgud Dastuuri ah iyo Khiyaamo Qaran oo Villa Somalia loogu adeegaayo

Talaabada bareerka ah iyo jar-iska xoornimada ah ee uu qaaday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Camey ee uu ku magacaabay gudiga aan sharciga aheyn ee khilaafadka Dorashooyinku waxay xadgud ku yihiin Dastuurka iyo dhamaan shuruucada doorashada ee Puntland.

Sida uu qabo Qodobka 7aad, 60aad iyo 61aad ee Dastuurka Dawlada Puntland magacaabista iyo soo bandhigada Gudiga Khilaafadka Doorashooyinka waxaa xaq u leh oo kaliya Madaxweynaha talada markaa haya ee Puntland, waxayna magacaabistaasi ka mid tahay islaaxiyaadka ama awoodaha uu Dastuurku siiyey Madaxweynaha.

Sidoo kale sida ku cad Xeeraranka, waxaana laga soo bilaabo 2004 mar walba soo magacaabeyey Madaxweynaha talada markaa hayey.

1. Xeer Madaxweyne Lr.121 soo baxay 02.12.2004

2. Xeer Madaxweyne Lr. 112 soo baxay 9.11.2008

3. Xeer Madaxweyne Lr. 153 Noveber 2013.

Sidoo kale Barlamaanka Puntland ayaa soo saaray Xeer Lr. 49 ee soo baxay 15.08.2018 kaas soo lagu qeexay nidaamka iyo habraaca doorashada, iyagoo ugu baaqay in Madaxweynuhu Xeer Madaxweyne ku magacaabo Gudiga Khilaafaadka Doorashooyinka.

Sida ku cad dhamaan Xeerarka iyo Dastuurka Puntland waxaa Muuqada in talaabada uu qaaday Mudane Camey in ay tahay mid ah is-miidamin Siyaasadeed oo uu doonayo inuu qas iyo khilaaf Siyaasadeed ka ka abuuro dalka wakhti lagu jiro kala guurka iyo doorashooyinka.

Sida ay soo werinayaan Wariyaashii iyo dadkii xogoogaal ah oo ku sugnaa xalay goobtii uu Madaxweyne ku xigeenku ku qabtay shirka Jaraa’id, ayaa sheegaya in aanu shaki ku jirin marka la qiimeeyo goobta xalay in uu jiro, oo aanu qarsooneyn xiriirka ka dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo hogaanka sare ee Dawlada Federaalka Somaaliya ee Villa Somalia.( Ilaha Puntlandi waxay xaqiijineyaan in ay goob joog ka ahaayeen Wargelin iyo qoraalo deg deg ahaa oo Villa Somalia xalay looga diraayey Gudaha guriga Camey )

MUSHARIXIINTA KU FIDMOOBAY DHAWAAQA CAMEY.

Waxaa wax lala yaabo ah oo yaqyqasi ah in koox sheeganeysa in ay yihiin Musharixiin u taagaan tartanka xilka ugu sareeya ee Dalka ( Madaxtinimada Puntland ) ay si bareer ah u taageeraan dhawaaqaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Camay, kaas oo ah mid Xad gudub iyo dhawaac weyn ku ah Nidaamka, jiritaanka iyo Nabadgalyada Puntland.

Marka laga hadlaayo Masiirka Shacbiga iyo Dawladnimada Puntland ma aha wax la aqbali karo in Musharax Madaxweyne uu si cad u taageero talaabooyin Siyaasadeed oo guracan oo Xadgub ku ah Dastuurka iyo Shuruucada Dalka iyo guud ahaan kuwo Doorashooyinka.

Ugu danbeyntii Talaabadaa uu qaaday Madaxweyne Camey iyo Musharixiinta ku taagertayba waa mid aan la heyn haba yaraatee wax cudur daar iyo daliil sharci ah, waano Fidno iyo Shirqool laga soo maleegay, looguna adeegaayo Maamulka Villa Somalia.

Ugu danbeyntii Warbaahinta Puntlandi waxaa ku waajib ah ( mar haddii la waayey wax ka falceliya Dhawaaqyada xiriirsan ee Mudane Camey ) in ay shacbiga Puntland uga tacsiyeeso dhawaca Arxan dardaa uu Mudane Camey u geystay Dastuurka Puntland iyo Aflagaadooyinkii ka horeeyey ee uu Madaxweyne Camey uu Shacbiga Puntland iyo Xukumadii uu ka tirsanaa 5 sano uu ku tilmaamay
” Hardaadi ”