Sarkaal ka tirsanaa Nabad Jubaland oo lagu dilay Balad Xaawo

Kooxo Baastoolado ku hubeysnaa ay xalay magaalada Balad xaawo ku dileen Sarkaal ka tirsan Nabadsugida maamulka Jubbaland.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/qani Axmed Faarax, waxaana la dilay isaga oo ku sii jeeday hoygiisa .

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday ,waxayna sii qaateen qori AK47 oo uu Sarkaalka watay.

Ciidamada ee maamulka Jubaland ayaa bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxdii dilka gaysatay .