(OPINION) Jawaab iyo talo ku socota madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Waraysigii uu Madaxweeyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Cameey siiyey
Tiifiiga SBS, waxaa ku cadaa oo aan ka dheehan karnaa inuu khilaaf xoogani ka dhex
aloosanyahay madaxda ugu saraaysa Madaxtooyada Puntland, khaasatan Madaxweeynaha iyo
ku xigeenkiisa. Maadaama oo aanan Maxweeynaha dhankiisa ka hayn wax cadayn ama xog ah
oo la xiriira khilaafka, waxa kaliya oo aan xukumi karaa waa xogta aan ka dheehday ama ka
fahmey waraysiga Madaxeeyne ku xigeenka.

Madaxweeyne ku xigeenka waraysigiisa marka laga yimaado khilaafka isaga iyo Madaxweynaha
ka dhexeeya waxaa ka muuqda ereyo iyo oraahyo qadaf ku ah dadka reer Puntland shacab iyo
dawladba meelna kaga dhacaaya sharaftooda, magacooda iyo taariikhdoodaba. Bal aan is
dultaago meelaha aan ka biyo diidey anoo saafaya oo sababaaynaya.

HARAADIGA:- Ereygaan marki iigu horeeysey ee aan maqlo iiguna danbeysey waxay ahayd
1991kii markii masiibadu ku habsatey umada Soomaaliyeed ee dagaakii sokeeye ee foosha
xumaa oo aan diiftiisii wali kasoo kaban la’nahay ka dhexdhacay.Maadaama oo uu ereygu igu
cusbaa waxaa lay sheegay in degaanada aan ka imi looga yaqaan HARAAGII oo aan filayo in
degaanka M.K.X kasoo jeedo sidaa looga yaqaan. Ereygaa dadka reer Puntland iyo waliba
Jubaland aad bey uga xumaadeen una damqay waayo wuxuu ereygaasi ahaa hal-kudhig lagu
banaysanayey dhiigooda xasuuq badana loogu geeystey, waxayna ilaa hada fahmi la’yihiin waxa
ku qasbay M.K.X inuu ereygaa isticmaalo isogoo waliba ku cel-celinaya carabkana ku adkaynaya
shed iyo medna u yeelaya dadka uu tilmaamayaana eey yihiin isla dadkii loo isticmaalay
xasuuqooda. Fariinta kaliya uu M.K.X gudbinayo oo uu ereygani xanbaarsanyahay waa kala
qaybin iyo iska horkeen umada Soomaaliyeed, waayo waxa ay turjumaada dhabta ahi
noqonaysaa HARAADIGII 1991 weeye kuwa wax diidani ee haloo tooko hayo.

FARAGELINTA D.F:- M.K.X wuxuu yiri Dawla Dhexe wax fara-gelin ah kuma haysi
Puntland.Waxaa xaqiiqo ah oo aan qarsoonayn in D.F Puntland ku hayso fara-gelin dhan walba
ah, xaga dhaqaalaha, difaaca, iyo iyadoo is hortaagtey ineey Puntland hesho qaybtii ay ku lahayd
deeqaha, horumarka, deeqaha waxbarasho, tababarka iyo dhismaha ciidanka iyo dhinac walba
oo adeega bulshada ah.Arinkani uma baahna sharaxaad dheer waayo wax qarsoon maaha ee
waa wax qofkasta oo ehel u ah lexeljeclona ka hayso Puntland u muuqda kii iska indho tirayaase
yeelkii.

FARAGELINTA DOORASHADA PUNTLAND:- M.K.X waxaa la weydiiyey in D.Dhexe fara-gelin ku
hayso doorashada Puntland ka dhici doonta January 2019, waxay jawaabtiisu ahayd “haa waayo
Dawlada Dhexe waxay u baahantahay qof ay wada shaqayn karaan oo ay isku aragti yihiin”.
Su’aashu waxa weeye Dawlada Dhexe ma kalsoonida shaqsi beey u baahantahay mise
kalsoonida Shacabka reer Puntland, jawaabtu waa kalsoonida Shacabka iyaga ayeey danta
Dawlda Dhexe ku jirtaa ee shaqsi kuma jirto,weeyna heshay kalsoonida shacabka waxaadse
moodaa in dhaqamada Dawlada Dhexe ee ku aadan Puntland seejin doonto kalsoonida shacabka
Puntland.

Sida aynu la wada socono waxa labo mar oo kala duwan booqosho ku yimi Puntland
Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed A. Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan A.
Khayre, labadaba waxaa loosoo dhoweeyey si caadiga ka baxsan oo aaney meelkale kale kala
kulmin,Shacab iyo Dawladba reer Puntland uma kala harin.Waxaa la tusay soodhoweeyn ay ka
muuqato Soomaalinimo,Gobanimo,Riximnimo,Deeqsinimo,Dhaqan
wanaag,Qadarin,Kalgacyl,Walaalnimo,Kalsooni iyo Qran jacayl iyagoo wax ugu hooseeyaa aaney
jirin aan ka ahayn kalgacayl wadaninimo oo ay u hayaan madaxdooda Qaranka iyo Dalkooda.
Bulshada qaybeheeda kala duwan sida: Haween iyo Rag, Waayeel iyo Dhalinyaro,Caruur iyo
Ciroole,Isimo,Culimo,Ganacsato,Aqoonyahan,Arday iyo Shaqaale oo wanaagii iyo kalsoonidii intii
le;ekayd muujiyey ma istaahilaan mana geyaan dhaqamada foosha xun ee aan dhamaadka lahayn
necaybka meel u ku salaysanyahay aan la garanayn xanbaarsan oo kaga imanaya dhanka
Dawlada Dhexe, waxaanse leeyahay “bal aan dhawrno waxaad ka dheeftaan”. Sayid Maxamed
baa nin Daraawiishta ka mid ahaa oo uu caqli iyo garasho ku tuhmayey oo aanan hada magaciisii
xusuusneyn wuxuu weydiiyey, dad yaa ugu talo xun, wuxuu ugu jawaabey “dad waxaa ugu talo
xun nin intuu meel banaan ah degey yiri afarta beeyni jaho baan la dagaalamayaa oo colaad
iskaga furayaa”isagoo markaa Seyidka laftiisa u duur xulaya waayo Seyidku waa tuu Taleex oo
meel ban ah ku taal Xarun ka dhigtay dhica walbana colaadi kaga furnayd.Xigmadani waxay si
cad uga turjumeysaa Dawlada Dhexe iyo hab dhaqankeeda ku aadan Maamul Goboleedyada.

GUNAANUD:- Hadaba waxaa muhiim ah inuu M.K.X ogaado in isaga iyo Madaxweeynahaba ay
amaano hayaan masuuliyadina ka saarantahay ilaalinta midnimada,nabadgelyada,daryeelka,
magaca iyo sharafta shacabka reer Puntland loona baahan yahay ineey si wadajir ah xilkasnimo
leh ku gutaan.Waqtigaan xaadirka ah oo ay Puntland ku jirto marxalad kala guur ah oo xasaasi ah
colaadina u dheertahay,wuxuu shacabku idiinka fadhiyaa inaad la timaadaan
caqligii,maaraayntii,wadajirkii iyo siyaasadii hufnayd ee lagaga bixi lahaa caqabadaha
taagan.Shacabku markay arkaan idinka oo aragtida aad ku kala duwantihiin caqli iyo garasho aad
ku maaraysaan waayey waxaa u cadaaneeysa una soo baxaysa ineey ku hungoobeen
hogaankiinii kartina u lahayn xal uhelida caqabada muuqda ee taagan.

Maxweeyne ku xigeen waxaa haboonaan lahayd adigana kuu sharaf badnaan lahayd hadii
Madaxweeynii aad aragtidii ku kala duwanaanteen, intaad warbaahinta xal ka dhex raadin lahayd
inaad u gudbiso oo ku sinto dadka mudnaa ineey xal u helaan. Sidaad ogtahay waxaa jira Golihii
Xukuumada oo aad adiga iyo Madaxweeynaha iyo Wasiiraduba ka tirsantihiin,waxaa jira Golihii
Wakiilada, waxaa jira Isimadii iyo Cuqaashii oo ah dadkii Puntland dhisay,waxaa jira
Aqoonyahankii,Culimadii,Ganacsatadii iyo Bulshadii Rayidka oo dhamaantood ehel u ah
lexeljeclona ka hayso Puntland, iyagaana la rabey inaad la tashato una soo bandhigto wixii
tabasho ama aragti ah, waxaana hubaa kuna kalsoonahay ineey ku filanyihiin talada Puntland.

Madaxweeyne ku xigeen waxaa hadalkaagii ka mid ahaa, “walaaluhuba dhaxalka waa isku
qabtaan ee Dawlad Goboleedyada iyi Dawlda Dhexe waa ineey wax walba ku xaliyaan wada
hadal iyo dulqaad”,hadaba Mudane Madaxweeyne ku Xigeen maxaad tusaalahan ama taladaan
adigu isugu dabikhi weydey oo adiga iyo Madaxweeynuhu waxaad ku kala duwantihiin dulqaad
iyo wada hadal ugu dhamayn weydey, waayo waxaa marka hore xaq kugu ah masuuliyadina kaa
saarantahay inaad waqti gelisona kaaga baahan ilaalinta sharafta, midnimada iyo jiritaanka
Puntland intaanad u gudbin arimaha Dawlada Dhexe.”Sune kama ansaxo nimuu ka tegey
faralkii saaraaye”

MAHADSANIDINBY:

Cabdiraxmaan maxamed Ducaale (Jugaase) jugase@hotmail.com