Goorma ayuu madaxweyne Gaas ku dhawaaqayaa guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada?

Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu maalinta berrito ku dhawaaqo guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada, kuwaas oo si aad ah loo wada sugayo magacaabidooda maadaama ay soo dhowdahay xilligii dastuuriga ahaa ee la rabay in lasoo dhiso barlamaanka cusub ee soo socda.

Weli lama oga inuu madaxweynuhu guddigaan door kasiiyay musharixiinta, iyadoo la ogsoonyahay in doorasho walba uu ka yimaado khilaaf hanaanka loo marayo magacaabiddooda.

Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in musharixiintu ay qoraalo udireen madaxweynaha, iyagoo ka dalbanayay inay talo iyo tusaale ku yeeshaan soo magacaabidda guddigaan.

Dhinaca kale, murashixiinta ayaa magaalada Garowe ee shir kula yeesheen Saraakiil ka tirsan Xafiiska  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.  kulankaan ayaa ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen, isla markaaana socday ku dhawaad laba saacadood waxaa diiradda lagu saaray arimaha doorashada Puntland 2019 iyo wixii la xiriira.

Murashaxiinta ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen, waxaana aad looga wada hadlay guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta xildhibaanada Puntland, waxaana ay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ku eedeeyeen inuu dhagaha ka furaystay talooyinka iyo baaqyada ay soo jeediyeen Murashixiintu oo ku saabsan in si wadajir ah loosoo magacaabo xubnaha guddiga.

Puntlandi.com