(Dhegayso+Sawiro: Cali Xaaji Warsame“ Madhici doonto in Bosaaso qof dambe oo biri magaydo ah lagu dilo”

Musharax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo maanta  lagu soo dhaweeyay magaalada Bosaaso ayaa waxa uu ka hadlay  xaalada guud Puntland ay ku sugantahay.

Cali Xaaji Warsame  ayaa arimihii u ka hadlay waxaa ka mid ahaa :

Amaan darada magaalada Bosaaso  iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca ,  heshiiskii dekeda Bosaaso   hoos uddhaca dhaqalaaha Puntland.  iyo hirgalinta nidaamka Asxaabta badan ee qof iyo cod ,hadii uu doorashada ku guulaysto .

” Waxaan aaminsannahay Puntland inaysan jirteen Boosaaso la’aanteed, Soomaaliyana aysan jirteen Puntland la’aanteed… Boosaaso way ka soo baxday wixii iyada lagu lahaa, waxay ahaan lahayd waqtigii lagu celin lahaa wixii ay mudneyd, waxaan aad iyo aad uga xumahay aad iyo aad uga xanuusanaya waxyaabaha magaaladan ka jira oo amni darrada ugu horreeyso”. ayuu yiri musharrax Cali Xaajo oo inta raaciyay in la joogo waqtigii magaalada Boosaaso amnigeeda la xoojin lahaa, dhaqaalaheedana uu kobci lahaa oo miisaan keedda la siiyo, ” Waxaan idin ka ballanqaadaya annigoo reer Boosaaso ah inan u hormariyo haddii illahay xilka igu guuleyo amniga magaalada Boosaaso, inan qof dambe oo birmageedo ah lagu dilin, inan ganacsatadeeda looga qaadan “.

 

Hadaba halkan ka dhegayso warbixinta wariyaha Puntlandi.com ee Bosaaso, iyo Sawirada.