(DHEGAYSO) Caasho Geelle oo baaq culus udirtay xukuumada Puntland iyo murashixiinta madaxtinimada.

Wasiirkii hore ee haweenka Puntland, marwo Caasho Geelle Diiriye, ayaa sheegtay inaysna jirin cid ku dhici karta inay faro galin ama qalqalin gelin ku sameyso jiritaanka iyo midnimada dowladda Puntland, waxayna raacisay cidii arrintaas lagu tuhmo inaan gacmaha laga laabandoonin.

Caasho Geelle waxay mar hore xukuumada Puntland ugu baaqday inaysan cidina ku shaabadayn wax dumin, balse haddii ay hayso cadayn inay ummadda reer Puntland usoo bandhigto. Caasho waxay dhinaca kale murashixiinta u sheegtay inaysan damacooda siyaasadood ku raadin cagal daacinta wadajirka Puntland.

“Puntland waa muqadas. reer Puntland iyagaan ogolaan karin in dab lagu shido gurigooda, Doorashadu waa tartan furan, cidii ku guulaysata ayaa Puntland hogaaminaysa, inta kalena waa inay la shaqeeyaan,” ayay tidhi Caasho.

Halkaan hoose ka dhegayso codka Caasho Geelle.

Puntlandi.com