Akhriso:- Macluumaad ku saabsan guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland (Vetting Committee), kadib markii ay maanta kasoo baxday Xeer Madaxweyne, kuna saabsan magacaabiddooda.

Hadaba, Warsidaha puntlandi ayaa halkaan idin kugusoo gudbinaya macluunaad kooban oo ku saabsan shaqsiyaadka la magacaabay, beelaha ay kasoo jeedaan iyo mansabka ay hayaan.

1:-  Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre – Guddoomiyaha guddigaan. (Beesha Dishiishe). Waa nabadoon kamid ah nabadoonada gobolka Bari.

2:-Maxamed Cabdikariin Maxamuud – Xubin. (Beesha Ciise Mohamoud). Waa ganacsade, waana mulkilaha Hotel Aaran Garowe.

3:- Burhaan Maxamud Cilmi – Xubin(Beesha Omar Mohamoud). Wuxuu u shaqeyn jiray Ha’adaha Samafalka ee fadhisoodu ahaa Muqdisho, waayadii dambe Puntland ayuu ka shaqaynayay, waxay walaalo yihiin Agaasimaha maamulka iyo Maaliaydda ee Madaxtooyada.

4:- Cayduruus Axmed Faarax – Xubin (Warsangeli). Waa reer Badhameed, waa wadaad, wuxuu muddo ka shaqaynayey arrimaha Waxbarashada, wuxuuna hadda Guddoomiye ka yahay hay’ad khayri ah oo Salaamo la dhaho oo Deegaankaas ka hawl gasha.

5. Axmed Cali Cabdullahi Ciro – Xubin(Cismaan Mohamoud).  Waa siyaasi ka soo jeeda Qardho balse ku dhaqan Boosaso waana Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bari ee xiligan.

6. Maxamed Abshir Garaad Maxamed (Qowdhan)- Xubin (Dhulbahante). Waxaa adeer u ah Garaad Saleebaan, waxayna walaalo yihiin xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, dhawaan ayuu Qurbaha galay. Waa nin qunyar socod ah.

7. Xaaji Xuseen Cali Xassan – Xubin (Dhulbahante). Waa nin reer Buuhoodle ah oo muddo dheer Ganacssade ka ahaa Boosaaso, Waxay isxigaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

8. Maxamed Calulqaadir Cismaan  Xogheyn. (Cali Saleeban)Waa xoghayihii hore ee Guddigii xiligii Faroole. Haddana waa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caladaada. Horey wuxuu u aha Agaasimaha waxbarashada;

Wararka doorashooyinka Puntland.