(VIDEO) Markii ugu horeysay taariikhda oo calanka ONLF uu ka dhex babanayo Addis Ababa.

Waxaa magaalada Addis Ababa lagusoo dhoweeyay gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Admiral Maxamad Cumar Cismaan iyo wafti balaadhan oo ku weheliya socdaalkan.

Magaalada Addis Ababa ayaa lagu arkayay calanka jamhadda ONLF oo ka dhex babanayo, taasoo qeyb ka ahayd soo dhowaynta wafuuda uu hogaaminayay Admiral Maxamad Cumar Cismaan.

Admiralka ayaa sheegay inay halgankoodii nabad gelyo kusii wadandoonaan.